Mareykanka ayaa ku
boorisay dowlada Soomaaliya inay sameyso waxwalba si ay ubad baadiso dadka
jilicsan ee Soomaalida ah, gaar ahaan haweenka islamarkaana ay dowladu
tixgaliso sharciga iyo kala dambeynta.
Kalkaaliyaha Xoghayaha
arimaha dibada Mareykanka Linda Thomas-Greenfield oo sabtigi booqaneysay
Soomaaliya ayaa ugudbisay madaxweynaha
Soomaaliya qoraal dheer oo kahadlaya waxa laga doonayo dowlada Soomaaliya
xasilinta waqtiga dheer, taasi oo ah in laga doonayo dowlada federalka ah inay
la timaado qorshe cad jawaab unoqonkara nabadgelyada dalka iyo ka hortaga halista
Al-shabab.
Qoraalku waxaa
uuleeyahay dowlada Mareykanku waxay dooneysaa inay aragto dowlada Soomaaliya oo awooda inay
difaacdo oo nabad galyo helaan dadkeeda.
Dowlada Soomaaliya
ayaa ah mid un magac ahaan ujirta, balse hay’sata fursad weyn oo ah in la
aqoonsanyahay. waxaana ay koontarooshaa
inyar oo kamid ah dalka qeybahaasi oo aan dadweynaha kunool haysan nidaam iyo
kaladambeyn iyo xitaa amaan leysku
haleynkaro.
Ma’ahan in dowladu
anaay waxba qaban oo waxay isku dayeysaa inay nabad galyada sugto, la
dagaalanto musuqa iyo maasuga, oo Soomaaliya ay safka hore kaga jirto wadamada
uu ladagay. Waxaana jira calaamado
muujinaya waxoogaa horumar siyaasadeed ah, marka la eego sanadadi adkaa ee la
soo maray.
Golaha sharci dajinta
waa baarlaamanka Soomaaliyee, ayaa mareykanku ku amaanay sida ay ugu codeeyeen
eryida Ra’isul wasaarahi hore Cabdi Farah Shirdoon, waxaana go’aankaasi uu umuuqday go’aan uu goluhu kaligii qaatay.
Waxaana talaabadaasi ay calaamad u tahay in ay horumar sameynayaan hay’adaha
dowlada Soomaaliya.
No comments :
Post a Comment