Mar kaliya ayaa dad
badan ay warbaahinta dowlada waqooyiga Kuriya ka maqleen in la dilay Jhang
Song-Taek kadib marki maxkamad military
ku riday xukun daldalaad ah.
Ninka La dilay ayaa
ahaa sarkaal sare oo kamid ah dowlad shuucigaha ah ee waqooyiga Kuriya waxaana
dadka qaar ayba ku tilmaamijireen inuu ahaa ninla labaad ee ugu awooda badan
dalkaasi marka laga reebo wiilka uu adeerka u yahay ee Kim Jong-Un.
Dadweynaha ayaa
dhawaan daawaday sawiro u ekaa bah-dil oo laga qaaday Jhang Song_Taek oo laga
saaray fadhi guud ee uu lahaa xisbiga dalka hogaamiya, waxaana garba galay oo
xoog uga saaray fadhiga labada askari. Taasi waxa ay ahayd talaabo aan sinaba
loo fileynin inay kudhici karto nin awood sare leh, hadaba kamid ah qoyska
wadankaasi xukuma.
Inkasta oo waxyaabo
dhowr lagu eedeeyay Jhang song –teak , hadana waxa ugu muhimsan waa inuu isku dayay inuu awooda dalka kala wareego
wiilka uu adeerka uyahay. Islamarkaana uu badalo hanaanka shuuciyadeed ee
dalkasi lagu dhaqo.
Waxaa kale oo lagu eedeyay
lunsasho hanti qaran, iyo adeegsiga awood xad dhaaf ah oo uusan xaq ulahayn.
War ay soo saartay
dowlad oo ay qortay wakaalada wararka Waqooyiga Kuriya ayaa lagu sheegay in
Jhang Song_Taek uu lahaa qorshe siyaasadeed oo ka xun kan eeyga.
Jhan Song-Taek waxaa
uu dhashay 1946, waxaa uu kubiiray xisbiga shaqaalaha 1970.
Waxaa uu kamid noqday
oo loo doortay golaha dhexe ee qaranka 1992.
Waxaa mar la sheegay
inuu kaweecday nidaamka ,lakin dhaqan celin kadib 2006 dib ugu soo laabtay
siyaasadda isaga oo hanuunsan.
2011 waxaa uu qabtay
xilka ugu sareeya militeriga marka laga reebo Kim Jong-un.
November 2013 ayaa
laga qaaday xilkaasi.
December 2013 waa la
daldalay.
No comments :
Post a Comment