Friday, 10 January 2014

Kalitaliska N Korea ayaa dal dalay adeerki

Mar kaliya ayaa dad badan ay warbaahinta dowlada waqooyiga Kuriya ka maqleen in la dilay Jhang Song-Taek  kadib marki maxkamad military ku riday xukun daldalaad ah.

Ninka La dilay ayaa ahaa sarkaal sare oo kamid ah dowlad shuucigaha ah ee waqooyiga Kuriya waxaana dadka qaar ayba ku tilmaamijireen inuu ahaa ninla labaad ee ugu awooda badan dalkaasi marka laga reebo wiilka uu adeerka u yahay ee Kim Jong-Un.

Dadweynaha ayaa dhawaan daawaday sawiro u ekaa bah-dil oo laga qaaday Jhang Song_Taek oo laga saaray fadhi guud ee uu lahaa xisbiga dalka hogaamiya, waxaana garba galay oo xoog uga saaray fadhiga labada askari. Taasi waxa ay ahayd talaabo aan sinaba loo fileynin inay kudhici karto nin awood sare leh, hadaba kamid ah qoyska wadankaasi xukuma.

Inkasta oo waxyaabo dhowr lagu eedeeyay Jhang song –teak , hadana waxa ugu muhimsan waa  inuu isku dayay inuu awooda dalka kala wareego wiilka uu adeerka uyahay. Islamarkaana uu badalo hanaanka shuuciyadeed ee dalkasi lagu dhaqo.

Waxaa kale oo lagu eedeyay lunsasho hanti qaran, iyo adeegsiga awood xad dhaaf ah oo uusan xaq ulahayn.

War ay soo saartay dowlad oo ay qortay wakaalada wararka Waqooyiga Kuriya ayaa lagu sheegay in Jhang Song_Taek uu lahaa qorshe siyaasadeed oo ka xun kan eeyga.

Jhan Song-Taek waxaa uu dhashay 1946, waxaa uu kubiiray xisbiga shaqaalaha 1970.
Waxaa uu kamid noqday oo loo doortay golaha dhexe ee qaranka 1992.
Waxaa mar la sheegay inuu kaweecday nidaamka ,lakin dhaqan celin kadib 2006 dib ugu soo laabtay siyaasadda isaga oo hanuunsan.
2011 waxaa uu qabtay xilka ugu sareeya militeriga marka laga reebo Kim Jong-un.
November 2013 ayaa laga qaaday xilkaasi.
December 2013 waa la daldalay.







Mareykanka: Soomaaliya waa inay ilaalisaa dadka liita

Mareykanka ayaa ku boorisay dowlada Soomaaliya inay sameyso waxwalba si ay ubad baadiso dadka jilicsan ee Soomaalida ah, gaar ahaan haweenka islamarkaana ay dowladu tixgaliso sharciga iyo kala dambeynta.

Kalkaaliyaha Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Linda Thomas-Greenfield oo sabtigi booqaneysay Soomaaliya ayaa ugudbisay  madaxweynaha Soomaaliya qoraal dheer oo kahadlaya waxa laga doonayo dowlada Soomaaliya xasilinta waqtiga dheer, taasi oo ah in laga doonayo dowlada federalka ah inay la timaado qorshe cad jawaab unoqonkara nabadgelyada dalka iyo ka hortaga halista Al-shabab.

Qoraalku waxaa uuleeyahay dowlada Mareykanku waxay dooneysaa inay  aragto dowlada Soomaaliya oo awooda inay difaacdo oo nabad galyo helaan dadkeeda.

Dowlada Soomaaliya ayaa ah mid un magac ahaan ujirta, balse hay’sata fursad weyn oo ah in la aqoonsanyahay.  waxaana ay koontarooshaa inyar oo kamid ah dalka qeybahaasi oo aan dadweynaha kunool haysan nidaam iyo kaladambeyn iyo  xitaa amaan leysku haleynkaro.

Ma’ahan in dowladu anaay waxba qaban oo waxay isku dayeysaa inay nabad galyada sugto, la dagaalanto musuqa iyo maasuga, oo Soomaaliya ay safka hore kaga jirto wadamada uu ladagay.  Waxaana jira calaamado muujinaya waxoogaa horumar siyaasadeed ah, marka la eego sanadadi adkaa ee la soo maray.
Golaha sharci dajinta waa baarlaamanka Soomaaliyee, ayaa mareykanku ku amaanay sida ay ugu codeeyeen eryida Ra’isul wasaarahi hore Cabdi Farah Shirdoon, waxaana go’aankaasi uu  umuuqday go’aan uu goluhu kaligii qaatay. Waxaana talaabadaasi ay calaamad u tahay in ay horumar sameynayaan hay’adaha dowlada Soomaaliya.





Xalka Soomaaliya waa sidan